Xasan Sheekh oo kulan loo dhan yahay ku yeeshay Maxaas

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Al shabaab.

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalladii Al shabaab, waxaa uu  tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaallada dalka ka socdo iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda ku aaddan howlgallada soconaya.

Xasan Sheekh ayaa seddex maalin ee la soo dhaafay kulamo ka waday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu ka yimid caasimadda Galmudud ee Dhuusamarreeb.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed