Xasan Sheekh oo kulamo ka wado magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala duwan ka wado magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug oo uu ku sugnaa muddooyinkii dambe.

Kulan uu ku wehliyo  Xasan Sheekh, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayuu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, maamulka Galmudug iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka  Soomaaliya, kaas oo lagu lafaguray dagaalka dalka looga xoreynayo dagaalyahannada Al shabaab.

Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiiragalinta ciidamada dowladda iyo wacyi gelinta bulshada, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka loogu xoreynayo deegaannada ay kooxda Al shababa

Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka ka socda dalka , iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan ciidaamada isku dhafka ah ee dagaalka kula jiro Al shabaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed