Xasan Sheekh oo Ku Wajahan Jabuuti iyo Ujeedka Safarkiisa.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo Shir-Madaxeedka Waddamada Ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacaya Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waana meertada 14aad ayaa lagu wada in gaaro dalkaasi.

Ilo xog oggaal ah oo la hadlay HBN TV ayaa noo sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono  dagaalka ay waddo dowladda ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyo xal u helida dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan kaas oo aanan wili xal rasmi ah laga gaarin, qodobo kale ayaa lagu lafaguri doonaa Meertada 14-aad ee lagu qabanayo Jabuuti.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu furmo beerito oo ku beegan 12ka June 2023, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorsheynaya in kulamo gooni gooni ah uu la yeesho Madaxda ka soo qeyb galeyso kulankaas, waxana ugu horreyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madax Kale kuwaas oo ka socda IGAD.

Dolwadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka haadshay dagaalka dalka Suudaan in la joojiyo oo miiska wada hadalka la iskugu yimaado, dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in laga taageero dagaalka Al-shabaab oo ay dowladdiisa xoogga saareyso sidii Ururka A-shabaab looga xorreyn lahaa guud ahaan dalka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed