Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar iyo jeedka safarkiisa

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle, waxana halkaas ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulkaasi  Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarkaas ayaa lagu sheegay dardar-gelinta dagaalka wajiga labad ee Al-shabaab gobolada darisk ah ah ee Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo AS ay kaga sugam yihiin deegaanno muhiim ah.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa madaxda Hirshabeelle kala hadli doono xalinya khilaafaadka  gobolka Hiiran, oo ay ka jiraan labo maamul oo is garab yaalla, kan Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo uu horay ugu dhawaaqay Cali Jeyte oo ahay guddoomihii gobolka Hiiraan.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoggaamin doono dagaalo xooggan oo dhawaan lagu wado in lagu qaado kooxda Al-shabaab.

Iyada oo maamlaha soo aadan Xasan Sheekh uu tagi doono magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, halkaas oo laga abbaabuli doono howgallada dagaalka.

HBN NEWS DESK

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed