Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo lagu wado in lagu wado in ay yeeshaan kulan xasaasi ah oo ay ka shaqeysay dowladda Jabuuti

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay ku dhow yihiin inay kulan fool-ka-fool ah ku yeeshaan dalka Jabuuti saacadaha soo socda. Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay ka dhoofaan Muqdisho iyo Hargeysa, iyaga oo ka dagi doona dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu fududeynayo kulanka.

Qodobada ugu horreeya ee wada-hadallada lafilayo in diiradda lagu saaro ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ka taagan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo xooga la saarayo in dib loo bilaabo wada-hadalladii hakadka ku jiray shantii sano ee lasoo dhaafay. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiiro ka kala socda dowlad goboleedyada dalka ka jira oo uu ku wehliyo ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada hadalada Somaliland C/kariin Xuseen Guuleed.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay ku kulmeen Jabuuti sanadkii hore . Shirkan ayaa waxaa laga filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, iyadoo la rajeynayo inuu noqon doono tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta wada-hadallada iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Ku lug lahaanshaha daneeyayaasha muhiimka ah waxay muujineysaa dadaal wadajir ah oo looga gudbayo caqabadaha soo jireenka ah loona gogol xaarayo horumarka diblomaasiyadeed ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed