Xasan Sheek oo Ku Dhawaaqay in Ciidamada Soomaaliya ay Ka Awood Badan Yihiin Kuwa ATMIS.

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Qatar ayaa booqday  xarun lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya ee dalkaas ayaa ka hadlay arrimo kala duwan Sida dagaalka dowladda ee Al shabaab looga  xorreynaayo dalka.

Xasan Sheek ayaa sheegay in Ciidanka nabad ilaalin u joogo Soomaaliya ee ATMIS iyo kuwa Soomaaliya uu u dhexeeyo Farqu weyn marka la joogo dhanka dalka iyo ammaaanka Soomaaliya, asiga oo ammaanay Ciidankiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqo ay qaban waayeen Ciidan Nabad Ilaalinta  ATMIS 15 sanno ee la soo dhaafay in ay qabteen kuwa Soomaaliya muddo kooban oo ah intii uu socday dagaalka Al shabaab wajigiisa 1-aad iyo 2-aad, waxaa uu intaasi raaciyay in Soomaaliya ay rajo fiican ka qabto Ciidankeeda iskuna filnaadaan.

“AMISOM oo haysata Taangiyaal, Beebayaal, Madaafiic iyo waxl waliba, 15 sano way noo sameen waayeen waxa ay innoo sameeyeen Ciidanka xogga dalka muddada yar,” ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh.

Waxaa uu intaas ku daray in Soomaaliya kaliya Ciidankeedu dhisi karaan dowladnimafa iyo ammaanka oo aysan Ciidamo shisheeye aysan yagleeli karin dib u dhiska dowladdii burburtay taas oo aanan soo kaban.

Hadalkan ayaa imanaya iyada oo lagu wado Sannadka soo aad ee 2024 bisha December in guud ahaan Ciidanka ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya, laguna wado in Ciidanka Soomaaliya ay la wareegaan guud ahaan ammaanka Dalka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed