Xanuunka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan isla markaana dilay lix Caruur ah

Cudurka  Shuban Biyoodka ayaa dilaacay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan kaasoo dilay lix caruur ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee deegaanka. Sidoo kale, in ka badan 30 kale oo caruur ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaas oo lagu daweynayo isbitaal ku meel gaar ah.

Xaaladan naxdinta leh ayaa keentay in gurmad caafimaad oo deg deg ah lala soo gaaro,

Xildhibaan Maxamed  Ibraahim Macaliimow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeedo gobolka,  ayaa codsaday hay’adaha caafimaadka ee dalka iyo kuwa caalamiga ah inay gacan ka geystaan ​​badbaadinta ubadka dhibaataysan, lana xakameeyo fiditaanka cudurka.

Cudurkan dilaacay ayaa walaac laga muujiyay  in uu ku sii faafo deegaannada gobolka, iyo in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto si looga hortago in dhibaato kale ee soo wajahan.

Maamulka caafimaadka maxalliga ah ayaa si firfircoon uga shaqeynaya xakameynta faafitaanka cudurka, bixinta daryeel caafimaad dadka ay saameeyeen iyo fulinta tallaabooyin ka hortag ah oo lagu xakameynayo fiditaanka Shuban Biyoodka. Isbitaalka  magaalada Buulaburde ayaa hadda ah xarunta lagu daweynayo carruurta dhibaateysan, loogana hortagayo in xaaladdu ay sii xumaato.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed