Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in qof kasta oo Soomaali ah laga cafiyo dayn ka badan $300, isla markaana hadda aanan waxbo lagu laheyn, kaddib markii Soomaaliya laga cafiyay lacag dhan 5.4 bilyan dollar.
Daynta dhimista $4.5bn sidoo kale waxaa ka mid ah cafisyada deymaha kale ee dhinacyo badan leh, laba geesood iyo ganacsi ah.
Ra’iisal Wasaaraha Barre ayaa sheegay in gargaarkan uu yahay mid aad u qiimo badan, maadaama ay Soomaaliya u ogolaanayso inay maal-gashi ku sameyso barnaamijyada horumarinta, dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaha iyo inay lacag ka amaahato hay’adaha deymaha ee caalamiga ah.
HBN NEWS DESK