Xalad deg deg ah oo ka jirto magaalada Bardaale ee gobolka Baay ka dib Fatahaadaha oo sii kordhay

Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka taagan xaalad deg deg ah, kadib markii ay buux dhaafiyeen roobabkii ka da’ay Degmada, waxaana xiran wadooyinka muhiimka ah ee isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Degmada ayaa waxaa ku jira xaalad deg deg ah oo ay sabab u tahay fatahaado xoogan oo sababay in la gaarsiiyo baahiyaha aasaasiga ah ee u baahan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Xubno ka tirsan dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada, wasiirro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa cod dheer ku dalbaday in la garab istaago dadka ku dhibaateysan degmada Bardaale oo u baahan gurmad deg deg ah.

Waxa ay sheegeen in dad badan ay haatan la soo derseen xaalad adag oo ka dhalatay saameynta xun ee ay ku yeesheen fatahaada wabiga Shabelle ee ka da’ay degmada Bardaale, waxaana ay codsadeen in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay gaaraan deegaanada ku dhow dhow Bardaale oo ay degeen dadkii ka barakacay degmadaas ka hor inta aan la jarin waddooyinka muhiimka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed