Xagee ku dambeeyay khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid

Waxaa xal laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo farageliyay in dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Galmudug ay sii socdaan, oo aanan loo baaheyn khilaaf kala dhantaala duulaanka ka dhanka ah Al shabaab.

“Arrintaas waa la xaliyay, khilaaf weyn ma ahayn, saddex sano iyo bar ayaanu wada shaqaynaynay, khilaafkii ugu horreeyayna waa laga wada hadlay, hadda wax walba sidii hore ayay ku soo noqdeen, waa arrin wanaagsan. In aynu iska kaashano sidii dalka loo xorayn lahaa Al shabaab, wadajirku waxa ay inaga caawinaysaa in aynu ka gudubno caqabad kasta oo ina soo wajahda,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenku maamulka Galmudug.

Khilaafkan ayaa markii hore ka dhashay markii Madaxweyne ku xigeenka C uu shaqada ka joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Diiriye Waayeel, isagoo ku eedeeyay inuu wiiqay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda maamulkaas.

Hase ahaatee Madaxweyne Axmed QoorQoor ayaa ka soo horjeestay go’aankan, wuxuuna caddeeyay in tallaabada uu qaaday Madaxweyne ku xigeenka ay ka hor imaaneyso dastuurka Galmudug, isla markaana uu dhaafiyay awoodihii uu dastuurku siiyay Madaxweyne ku xigeenka.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in khilaafka labada mas’uul lagu xaliyay faragelin uu ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo labo bilood ku dhaw ku sugan magaalada Dhuusamareeb, si uu u xoojiyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle. Madaxweyne Maxamuud ayaa ku qanciyay in khilaafkooda siyaasadeed uu u weecin karo dadaalada socda ee lagu xoreynayo Al shabaab Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii May ee sanadkii hore xilka la wareegay isagoo wacad ku maray inuu dagaal adag la galayo Al-Shabaab oo dagaalyahanadooda laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, balse ay weli yihiin ciidamo awood leh oo gacanta ku haya dhul badan oo gobolad ah.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed