Xafiiska QM ee Soomaaliya oo iska fogeeyey warqad digniin been abuur ah

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa beeniyay warar sheegayaya in uu digniin dhanka ammaanka ah u jeediyay shaqaalahooda ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo gabi ahaanba been abuur ku tilmaamay war lagu faafiyay baraha bulshada.

Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska UNSOM, ayaa lagu caddeeyay in digniinta amni ee lagu eedeeyay, oo si weyn loogu faafiyay internet-ka, aysan ka turjumeyn mowqifka rasmiga ah ee Qaramada Midoobay ama natiijada kasoo baxday. war saxaafadeedka ayaa shacabka ku booriyay inay iska daayaan wararka marin habaabinta ah.

Warbixintan been abuurka ah ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay soo saartay digniin amni oo deg deg ah oo ku wajahan dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Muqdisho, iyada oo looga digayo khatarta ka dhalan karta weerarada baabuurta oo ku jira gudaha Muqdisho, halka goobo cayiman lagu sheegayo in aan isku booqan.

Digniintan lagu sheegay inaysan waxba ka jirin ayaa si gaar ah loogu magacaabay dhowr goobood oo caan ka ah magaalada Muqdisho, sida Hoteelo, goob dadku ku kulmaan oo maqaayada ahaa, Xeebta Liido iyo Wadada Makka Al-mukarrama.

UNSOM oo warkaan soo dhigtay akoonkeeda rasmiga ah ee X ayaa si ay isaga fogeyso dukumentiga la faafiyay, ku tiri “Xafiiska QM ee Soomaaliya waxay ka war heshay dhawaan warbixin ammaan oo Qaramada Midoobay lagu sheegay oo internet-ka lagu faafiyey dukumeentigan waa been abuur.”

Xafiisku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dukumeentigu aanu ahayn isgaadhsiin rasmi ah oo Qaramada Midoobay ah, loona baahan yahay in aan sidaas loo qaadan.

Qaramada Midoobay waxay ku celisay in Dhacdadani ay muujinayso caqabadaha jira, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu ka jiraan sida Soomaaliya, halkaas oo wararka xanta ah iyo wararka beenta ah ay si degdeg ah u faafi karaan, kuwaas oo sababi kara argagax iyo jahawareer aan loo baahnayn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed