Xafiis baaritaan ku sameynaya duullaankii Ruushku ku qaaday Ukraine oo la furay

Xafiiska Caalami ah oo loogu talo galay inuu isku daba rido dacwada la xiriirta duullaankii Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ayaa ka shaqo bilaabay magaalada The Hague ee dalka Holland, taasi oo ah talaabadii ugu horreysay ee loo qaadayo in maxkamadeeyo hoggaanka Ruushka.

Xafiiska n oo lagu magacaabo ICPA ayaa waxaa ka hawlgalaya dacwad oogayaal ka soo jeeda Mareykanka, Ukraine, dalalka Midowga Yurub & kuwa ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC.
“ICPA wuxuu taageeri doontaa diyaarinta dembiyada kiisaska gardarrada ah, isagoo hubinaya caddaynta muhiimka ah iyo fududaynta habka dhisidda kiisaska marxaladda hore,” sidaasi waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Iskaashiga Cadaaladda Danbiyada.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ukraine Andriy Kostin, ayaa soo dhaweeyay furitaanka xafiiska ICPA-da, waxaana uu ku tilmaamay “Calaamad cad oo ah in dunidu ay midaysan tahay oo aan ka leexleexanayn dariiqa lagula xisaabtamayo nidaamka Ruushka dhammaan dambiyada”.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed