Xaaladda siyaasadeed ee Senegal oo cakiran xilli hoggaamiyaha mucaaradka uu la hadlay dad-weynaha

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Senegal Ousmane Sonko, oo lagu xukumay labo sano oo xarig ah bil ka hor, ayaa ugu baaqay shacabka Senegal inay isku soo baxaan dhowrka maalmood ee soo socda, xilli uu khudbad u jeedinayay madaxweyne Macky Sall. kaasoo lagu wado inuu sheego inuu mar saddexaad u tartami doono doorashada madaxtinimada 2024-ka ee dalkaas.

“Waa in aan u soo baxnaa si aan uga hortagno nidaamka Macky Sall oo aan sheegno in aysan ku xirnaan doonin doorashada musharrixiinta isku haleeli doona doorashada soo socota ee madaxweynaha,” ayuu ku dhawaaqay mar uu ka soo muuqday shabakadaha bulshada.

Xukunka Mr Sonko ayaa kiciyay qalalaasihii ugu xumaa ee Senegal muddo sanado ah horraantii bishii June, taasoo sababtay dhimashada 16 qof sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, iyo dhaawaca 24 kale, sida laga soo xigtay Amnesty International.

Mr Sonko ayaa marar badan ku celceliyay in dowladdu ay wado qorshe ay kaga reebayso doorashada madaxtinimada ee Febraayo 2024-ka, balse dowladda ayaa beenisay arrintaas. Waxa ay ciidamada ammaanku ku xannibeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Dakar, sida uu sheegay, tan iyo 28-kii Maajo ee sannadkaan.

Mr Sall madaxweynaha hadda talada haya, ayaa la doortay 2012, waxaana dib loo doortay 2019, balse waxaa uu dib u eegis ku sameeyay dastuurka 2016 ayaa dhigaya in “qofna uusan xilka hayn karin wax ka badan laba xilli oo isku xigta”. Taageerayaashiisa ayaa u soo bandhigaya inuu yahay musharaxooda 2024, iyagoo ku doodaya in dib u eegis lagu sameyn karo.

Mucaraadka dalka ayaana si xooggan u diidan in uusan tartami karin markale Sall madaxweynaha Senegal maaddaama uu wax ka beddelay dastuurka, kaas oo haatan wajahaya mucaarad xooggan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed