Xaalad bini aadanimo oo soo wajahday kumanaan ruux oo ku nool Jubaland iyo maamulka gobolka oo ka hadlay

Jubbaland, Soomaaliya, ayaa waxaa soo food saartay xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii fatahaada iyo biyaha ka soo rogmaday Wabiga Jubba ay geysteen khasaarooyin naf iyo maalba leh, iyadoo ay ku barakaceen dad aan tiradooda la sheegin balse aad u badan. Aadan Faarax Gaarane oo ah Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 20-ruux, halka ku dhawaad Nus Milyan qof ay ku barakaceen deegaanka Wabiga Jubba.

Gaarane ayaa ku nuux nuuxsaday caqabadaha soo wajaha in ka badan 100 kun oo qoys oo hadda ku jira xaalad go’doon ah. Wadooyinka muhiimka u ah nolol maalmeedka ayaa go’an, taasi oo adkeyneysa dadaallada lagu gaarsiinayo goobaha ay dhibaatadu ka dhacday iyo in gurmad loo fidiyo dadka dhibaateysan.

Buundooyinka oo ay ka mid yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa burburay oo xirmay taasoo keentay go’adoon baahsan, taasi oo sii xumeyneysa dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshada dhibaateysan.

Fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay si weyn u saameeyeen nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku kala nool gobolada sida Jubbooyinka, Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool iyo kuwa kale. Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 50 qof, taas oo hoosta ka xariiqaysa baahida degdega ah ee loo qabo gurmadyo isku xiran oo wax looga qabto dhibaatada baahsan ee ka dhalatay musiibada dabiiciga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed