Wiilal dhalinyaro ah oo ku dhintay Badda Berbera iyo faah faahin laga bixiayy

Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa shalay galab ku naf waayay  Somaliland ka dib markii ay ku qaraqmeen badda Berbera, waxaa  lagu kala magacaabi jiray Salmaan Mustafe iyo Ridwaan Mawliid, ayaa ka kala yimid Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, iyadoo baadigoobkii wiilashaasi wali la la’yahay.

Qoysaska marxuumka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin, iyagoo sheegay in labada wiil la waayay galabnimadii Khamiista, iyadoo Sabtidii 4:00 galabnimo aysan waxba ka jirin.

Warbaahinta gudaha ayaa ka warbixisay xaaladda murugada leh, iyadoo mid ka mid ah ehelada uu muujiyay halganka ay qoysaskaasi u soo mareen, isla markaana aysan jirin taageero buuxda oo ay ka helaan ciidamada badda iyo kooxaha kale ee loo tababaray samata bixinta saacadaha xasaasiga ah.

Baarista shilkan naxdinta leh ayaa weli socda, waxaanay qoysasku ka codsadeen bulshada kale ee reer Berbera inay ku biiraan dedaalka lagu baadi-goobayo maydka haddii ay meel kale yaallaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed