WHO: Soomaaliya waxaa laga diiwaan geliyay 11,704 xaaladood oo looga shakiyay Daacuun

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa shaacisay in ay ku howlantahay dadaallo dheeraad ah oo looga hortagayo cudurka daacuun caloolleedka oo looga shakiyay in uu Soomaaliya ka dilaacay qeybo kamid ah sannadkaan.

Warbixin ay soo saartay ayey ku sheegtay in bilaawgii sannadkaan 2023, Soomaaliya ay ka dilaaceen xaaladdo culus oo looga shakisan-yahay daacuunka, kaas oo  dilay 30 qof degmooyin ku yeel Soomaaliya, halka ay jiraan 11,704 xaaladood oo iyagana loo maleynayo in uu yahay daacuun caloolleed kuwaas oo la diiwaan geliyay.

Sidoo kale qoraalka ayey ku dartay in 235 kiis oo cusub ay jiraan oo lala xiriirinayo kuwii hore, waxana laga soo diinwaan geliyay 28 degmo oo kamid ah deegaannadii ay abaaruhu saameyeen, xaaladahaas ayaa la aruuriyay dabayaaqadii biishii Luulyo.

Howlwadeennada Hey’adda Caafimaadka Adduunkee WHO ayaa sheegay in ay soo saareen tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka cudurkaas, oo cabsi laga qabo in uu waxyeello xooggan ka geysto Soomaaliya.

Bilooyinkii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan mamaulka Jubaland iyo KGS ayaa waxaa ka dilaacay shuban aanan la garan nuuca uu yahay, waxaa uu soo ritay boqolaal caruur ah iyo dad waayeel ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed