WFP oo dalbatay ku dhawaad 400 oo milyan oo dollaraka Mareykanka ah iyo lacagtaas oo faah faahin laga bixiyay qorshaheeda

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa  ku dhawaaqday inay u baahan tahay 351 milyan oo Doollarka oo lagu maalgelinayo dhammaan hawlaha si kor loogu qaado gargaarka bini’aadantinimo ee lixda bilood ee soo socota ee Soomaaliya.

Saamaynta tobanaan sano ee iskahorimaadyada hubaysan, roobabka aan joogtada ahayn, saboolnimada iyo barakaca gudaha ayaa malaayiinta Soomaaliya ku nool u horseeday gaajo iyo cunto yari ba’an, ayay tiri WFP. Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay, inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Disembar, qiyaastii 4.3 milyan oo qof ayaa wajahi doona heer- qalalaase ama cunto yari baahsan iyada oo hal milyan ay soo food saartay gaajo ba’an.

Warbixinteedii ugu dambeysay, WFP waxay ku sheegtay in tirada carruurta ka yar shanta sano ee lagu qiyaasay inay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba’an 2023 ay hoos ugu dhacday 1.5 milyan, iyadoo 331,000 oo carruur ah ay weli u badan tahay inay soo food saartay nafaqo-xumo aad u daran oo nolosha halis gelinaysa, ayey tiri WFP.

Warbixintu waxa kale oo ay intaa ku dartay in ilaa 1.2 milyan oo qof oo ku nool miyi, magaalo iyo barakacayaal ku teedsan dooxooyinka daadku ay soo food saartay khataro fatahaadeed oo ay ugu wacan tahay saamaynta El Nino oo isbiirsaday iyo  xilli roobaadka Deyrta.

WFP ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in tallaabooyinka la filayo ka dib bilaabashada fatahaadaha la filayo in looga golleeyahay in lagu taageero dadka ku nool deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed