Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo hogaamineyso Marwo Erna Van Goor oo ah Madaxa Xiriirka Caafimaadka ayey ku tagtay Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA). Ujeedadan ayaa lagu sheegay sidii ay uga wadahadli lahaayeen isla markaana ay u caawiyeen dadaallada la iska kaashanayo ee lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha ka dhacay qaybta ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo sababay dhimasho, burbur, iyo barakac baahsan.
Wefdiga WHO ayaa markii ay soo gaareen xarunta dhexe ee SoDMA waxaa si diirran ugu soo wacnaa lataliyaha sare ee wax ka sheegay xaaladaha deg dega ah iyo xubno kale oo ka tirsan SoDMA. Kulanka ayaa lagu soo saaray istaraatiijiyad kor loogu qaadayo faafinta xogta la xiriirta saameynta muujinayso dhibaatooyinka fatahaadaha iyo muhiimadda ay leedahay in si joogta ah loola xiriiro bulshooyinka tabaaleysan iyo in la kobciyo jawaab-celin wadajir ah si wax looga qabto xaaladda bini aadanimo ee jirto.
Dadaalka isku dhafka ah ee u dhexeeya WHO iyo SoDMA ayaa ujeeddadoodu tahay in la wanaajiyo habka guud ee wax-ka-qabashada, hubinta bulshada ay dhibaatadu saameysey iyo in ay helaan macluumaad sax ah oo ku saabsan roobabka iyo daadadka ee adag.
Gobolada Gedo, Bakool, Baay, Jubbooyinka, iyo gobolka Hiiraan ay ah gobolada ugu daran ee saameyn adag ay ku yeesheen fatahaadihii iyo roobabkii bilaawdayb horraantii Octobar.
HBN NEWS DESK