Weeraro dhaliyay khasaaro kala duwan oo la beegsaday millateriga dalka Kenya xadka u dhaw Soomaaliya

14 ka mid ah ciidamada milatariga Kenya ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari xamuul ah oo ay la socdeen  qarax miino lagula eegtay deegaanka Baure ee gobolka Lamu. Gaariga oo ay wateen ciidamada Kenya ayaa maraayay wadada dheer ee Baure-Drum, waxaana lagu dhuftay walxaha qarxa, sida saraakiisha ay sheegeen.

Qaraxa ayaa burburiyay gaari tikniko ah oo ay wateen ciidamada Kenya. Booliska ayaa rumeysan in dagaalyahanada Al Shabaab ee ka howlgala Keymaha weyn ee Boni ay ka dambeeyaan qaraxaasi, dadka dhaawacmay ayaa loola cararay goobaha caafimaadka.

Ciidamada KDF ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegtay in askartan ay roondo ka wadeen wadada Milimani Bare ka hor inta aanan la beegsan walxaha qarxa.

Arrintan ayaa timid maalin ka dib markii dhacdo tan la mid ah oo sababay dhaawac halis ah oo soo gaaray labo ka mid ah shaqaalaha dhismaha Baragooni ee dalka Kenya. Labada qof ayaa ku dhaawacmay  kadib markii gaariga ay wateen uu haleelay bam lagu aasay wadada Baragooni. Howlgal ayey sameeyeen ciidamada Booliska  daqiiqado kadib ayaan wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo kooxihii ka dambeeyay falkaasi ay baxsadeen.

Howlgallo ballaaran ayaa ka socda deegaankaas oo looga hortagayo weerarro la xiriira Al Shabaab, kuwaas oo ka dhaca meelo kale oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya. Deegaannada u dhow xuduudka Soomaaliya aya inta badan waxaa ka dhaca weeraro argagixiso.

“Argagixisada ayaa weerar ku qaaday deegaano ku dhow xadka Kenya, waxaana ay u adeegsadeen qoryo iyo walxaha qarxa, halkaasi oo ay ku dileen tobanaan qof, tiro ka badana ay ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri war ay soo saareen laamaha ammaanka dalkaas.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda ku qasbay in ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

HBN NEWWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed