Weeraro Cirka ah oo lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsan Al shabaab kuwaas oo ka dhacay Shabeelada Dhexe iyo Galmudug

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeyn xaga cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen waxaa lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Galmudug kaas oo lagu magaacaabi jiray, Khaliif Gaambe, sida ay sheegtay wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale Weerarkaas ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen xubno kale oo ka tirsanaa Al shabaab, kuwaas oo watay gaari nuuca loo yaqaan Cabdi-bile kaas oo gabi ahaanbo gubtay, laakiinse tirada rasmiga ah xubnaha ku dhintay lama shaacin.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa 10 ka tirsan  Al-Shabaab ku dilay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan dagaalyahannada deegaankaasi.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale burburiyay gaari ay wateen dagaallamayaasha oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

“Ciidamada ayaa ku guuleestay in ay fashiliyaan weeraro ay maleeshiyaatka Argagixisadu kusoo qaadeen islamarkaana ay ku burburiyeen qaraxyadii ay gaariga ku xireen” ayuu lagu yiri war kooban oo ka soo baxay dowladda.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli dowladdu ay qorsheyneyso in la bilaawdo wejiga labaad ee dagaalka guud ee ka dhanka ah dagaalyahannada ururka Al shabaab, iyo soo gabagabeynta wajiga kowaad.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed