Weerarada ay fulinayaan ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah oo sii kordhaya

Ciidamada xoogga Soomaaliya  oo kaashanaya kuwa caalamiga ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen degmada Kurtunwaa ee koonfurta Soomaaliya waxa ay ku dileen in ka badan 20 ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay Jimcihii kaasoo lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo isku uruursanayay deegaanada lagu fuliyay howlgalka, sidoo kalana ku howlanaa walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa wali maamula qeybo ka mid ah gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana ay sii wadaan weerarada inkastoo ay sii kordhayaan weerarada ay geysanayaan ciidamada dowladda.

Soomaaliya ayaa cagta ku heyso weeraro ka dhan ah Al shabaab oo la doonayo in lagu ciribtiro jiritaanka kooxda, koofurta iyo bartamaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed