Weerar Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Lix askari oo ka tirsan waaxda adeega guud ayaa dhaawacmay kadib markii gaari ay wateen uu haleelay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sugnaa magaalada Rhamu ee ismaamulka Mandera dalka Kenya, halkaas ah deegaan ay Soomaalidu ku badan tahay.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay wateen gaari rasmi ah oo ku sii jeeday magaalada Mandheera kuwaas oo la kulmay qarax la aaminsanyahay in ah ka dambeeyeen Kooxda Al shabaab, balse si rasmi ah looma xaqiijin.

Goobjoogayaal ayaa booliisku waxay sheegeen in laba ka mid ah askarta ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, halka 4 kalana dhaawacoodu uu ahaa mid ka roon labada kale.

Dhammaantood waxaa loo qaaday isbitaal maxalli ah  oo ku yaal deegaanka, iyadoo la qorsheynayo in Nairobi loo daadgureeyo kuwa qabo dhaawacyada halista ah.

Waxaa la rumeysan yahay in qaraxan ay ka danbeeyeen  Al-Shabaab ama taageerayaashooda ee ka howlgala deegaankaasi sida ay sheegeen laamaha Ammaanka.

Deegaanka ayaa ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo inta badan dhowr jeer Al shabaab ay weeraero ka fuliyeen, Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadiyay aagga si ay u xakameeyaan weerarada.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Gaarisa tiro dhowr jeer ah.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed