Weerar ka dhacay meel u dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya oo dhaliyay khasaaro kala duwan

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay dhowr gurina waa lagu gubay weerar ka dhacay labo tuulo oo ka tirsan gobolka xeebta ee Kenya ee Lamu, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowladda maanta oo Axad ah. Guddoomiyaha degmada Lamu Louis Rono ayaa sheegay in kooxo aad u hubeysan ay weerareen tuulooyinka Marafa iyo Poromoko.
Sida uu sheegay Rono, booliska ayaa bilaabay baadigoob ay ku baadi goobayeen kooxihii dilka geystay, isagoo intaa ku daray in kooxihii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Weerarkan oo lala xiriirinayo kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmaya qiyaastii saddex bilood ka dib weerar kan la mid ah oo ka dhacay Galbeedka Lamu, kaas oo lagu dilay nin waardiye ka ahaa iskuul ku yaalla deegaankaas, ka dib markii muddo kooban la afduubtay.
Booliska ayaa sheegay in la xoojiyey howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda deegaanka si looga hortago qorsheyaasha weeraro kale oo ka dhaca gobolka loo dalxiis tago. Gobolka Lamu ee xeebta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Lamu ayaa ku dhow xadka Soomaaliya, waxaana marar badan oo hore ka dhacay weeraro ay ka mid yihiin qaraxyo wadada dhinaceeda lagu aasay iyo afduubka ajaanib.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed