Weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Mudug kadib dagaallo culus oo shalay dhacay

Duqeymo dhanka cirka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Mudug, waxaana lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen duulaanka ka dhanka ah ururka ah.

Duqeyn cirka ah ayaa saaka ka dhacday deegaanka Shabellow ee koonfurta gobolka Mudug halkaas oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin saldhig tababar iyo talis, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya  ee ku sugan gobolkaasi ayaa sheegay in howlgalkaasi ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab inkastoo aysan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay. Xaalada ayaa la sheegay in ay kacsan tahay.

Ka hor inta aysan dhicin duqeynta maanta ayaa waxaa deegaankaas ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Ciidanka XDS ayaa isku dayay in ay qabsadaan deegaanka.

Wejigii koowaad ayaa ahaa weerarkii ugu waxtarka badnaa tan iyo sanadkii 2016-kii, kaas oo al-Shabaab looga saaray deegaannadii ay maamulayeen muddo toban sano ah, waxaana bishii March 2023 ay dowladdu billowday wejigii labaad ee weerarrada Al-Shabaab ee koonfurta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli walaac laga muujinayaa in Soomaaliya ay qabsato deegaannadii ay ka saartay oo ay dhul badan ka qabsato marka la eego qorshaha dhimista ciidamada Shisheeye ee ATMIS iyo in beelaha koofureed aysan muujin dareen isku mid ah oo ay ku doonayaan inay Al-Shabaab u soo jeestaan, sida ay qabaan dadka ka faallooda arrimaha dagaalka iyo siyaasadda.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed