Weerar culus oo Al Shabaab lagula eegtay xadka Galguduud & Shabeellaha Dhexe

Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya weerar khasaare baaxad leh loogu gaystay xooggaga Al Shabaab oo ka dhacay xadka gobollada Galguduud iyo Shabeelaha Dhexe.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan oo ay iska kaasheen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ka koobnayd toddobo gaari oo kala ahaa 2 BGs, 1 UD, iyo gawaarida dagaalka ee loo yaqaan Cabdi Bile. Dawladu ma shaacin tirade ciidamada laga dilay Al Shabaab.

Laba maalin ka hor duqeyn ka dhacday gobolka Baay ayaa la sheegay in lagu dilay 60 xubnood oo ka mid ahaa Al Shabaab.

Weerarkan ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Galguduud iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo aadayaa iyadoo la diyaarinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al Shabaab oo yoolkiisu yahay in la qabto degmada Ceel Buur oo ah degmada kaliya ee Al Shabaab gacanta ku hayaan ee dhacda bartamaha Soomaaliya.

Warqabadka HBN Online  TV

Warqabadka HBN Online  TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed