Weerar cirka ah oo ka dhacay Khartoum ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 ruux oo ay caruur ku jirto

Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay ciidamadu ka fuliyeen caasimadda Suudaan, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa. Dad badan ayaa waxyeello ku noqday weerarka oo ka dhacay xaafadda Kalakla Al-Qubba ee Koonfur-galbeed ee Khartuum, kuwaas oo ku aasmay  burburka, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka.

Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ayaa ku dagaallamayay gacan ku haynta Khartuum tan iyo bishii Abriil, waxana ku dhintay boqolaal ruux. Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in in ka badan 1,100 qof ay ku dhinteen guud ahaan dalka, balse tirada dhabta ah ay ka badan tahay intaas.

Ku dhawaad ​​2.2 milyan oo qof ayaa ku barokacay gudaha Suudaan in ka badan nus malyuun ayaa magangalyo u doontay dalalka dariska ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xiisadan ayaa bilaabatay kadib markii taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen Abdel Fattah al-Burhaan iyo madaxa RSF Gen Maxamed Xamdaan Dagalo ay isku khilaafeen mustaqbalka dalka Suudaan. Dhowr xabad joojin ayaa lagu dhawaaqay si dadka loogu ogolaado inay ka baxsadaan dagaalka balse taasi ma dhicin.

RSF waxa ay maamushaa inta badan Khartoum iyo magaalooyinkeeda mataanaha ah ee Omdurman iyo Bahri. Ciidamada ayaa marar badan bilaabay weeraro madaafiic iyo hoobiyeyaal ah oo ay ku doonayeen in ay kA saaraan dagaalyahanada mucaaradka.

Iska horimaadyada ayaa ku fiday meelo ka baxsan caasimadda, oo ay ku jirto galbeedka gobolka Darfur halkaas oo rabshado isir ah ay ka qarxeen. Guud ahaan dalka, boqolaal ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​saddex milyan oo qof ayaa lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed