Wax Badan ka Ogaaw 3-da Ruux ee Lagu Qisaasay Muqdisho.

Muqdisho (Hbn tv)- Faah-faahin dheeraad ah oo ku Saabsan Seddex Ruux  oo Saakay lagu fuliyay dilka toogashada eeMagaalada Muqdisho.

Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo hore loogu helay dambiyo ay ka mid ahaayeen dilal iyo falal argagixiso kuwaas oo siyaabo kala duwan gacanta ugu soo dhigeen Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ee Nisa.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 20-kii January xukun dil ah ku ridday ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdinuur Jiirow oo loo yaqaannay Dr. Fanax oo la sheegay in uusan aheyn dhaqtar sax ah, balse ka tirsanaa Al-shabaab oo xirfaddaan isku qarin jiray.

Maalmo kahor Kooxda AS ayaa iska Fogeeysay in Dr Fanax uu ka tirsanaa Xarakada, taas oo hadal heyn badan dhalisay.

Ninkaan ayaa lagu helay dembiyo isugu jiray dilal iyo hagidda qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Maxkamaddu inta ay Socotay dhageysiga garmaqalka Maxankamadda.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, Dhamme Shariif, waxaa loo soo xeray oo dambigooda lagu helay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo ah, oo Al Shabaab ku fuliyeen Caasimadda kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan.

Waxa ay intaas ku dartay  Maxkamadd in illaa 27 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen qaraxyada lagu helay Dhamme Shariif inuu soo geliyey caasimadda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Ninka saddexaad ee isna saaka dilka lagu fuliyay ayaa ahaa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

Maalmihii la soo dhaafay Maxkamddaha dalka Sida kuwa heer Faderaal iyo heer Maamul Gobolleed ayaa toogasho ku xakumay Shaqsiyaad lagu helay dambiyo kala duwan, Sida Argagixisinimo iyo Falal kale oo ka baxsan Shuruucda dalka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed