Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeedo gobolka Awdal oo soo saaray digniin culus oo ka dhan damaca Itoobiya

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee laga soo doortay Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ka dhan ah damaca Itoobiya ee ku wajahan Badda Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa walaac ka muujiyay waxa ay ku tilmaameen “rabitaanka xun” ee dowladda Itoobiya ay ku doonayso in ay ku sheegato qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.

Intii uu shirku socday ayaa Wasiirka iyo Xildhibaanadu waxay ku ammaaneen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya doorkii ay ka qaadatay burburinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland, loogana hortagayay in lagu soo xad-gudbo dhulka Soomaaliyeed.

Wasiirka iyo Xildhibaanada ayaa baaq u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobollada Waqooyi, waxayna ugu baaqeen inay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo baddooda. Waxay sidoo kale hambalyo u direen dadka deggan Gobollada Waqooyi ee u istaagay isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku qabsato qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed