Wasiirkii Haweenka oo maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho isla markaana ay ka qeyb galeen madaxda dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah ayaa maanta oo Khamiis ah ka qeyb galay salaadda Janaasada ee magaalada Muqdisho loogu tukanayay Wasiirkii Haweenka Soomaaliyeed Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa meydka marxuumka ka soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo salaadda Janaasada lagula tukaday. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wafdiga u galbiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti.

Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii magaalada Jabuuti ku geeriyootay haweeneydii ugu waqtiga dheeraa siyaasadda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, kaddib xanuun muddo kooban hayay.

Waxay ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeyb galay shirkii Madasha Heritage ee Jabuuti. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaalah ayaa sheegay in Wasiir Khadiija la dhigay Isbitaalka xilli ay ka qeyb galaysay shir ay Madaxda Dowladda Jabuuti ku yeesheen. Ka dib waxa lagu sameeyay qaliin, kaas oo ay ka soo toosi wayday miyir-beelka.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ku sifeeyay Wasiirkii geeriyooday in ay aheyd shaqsi u ololeynayay dib u yagleelidda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay in kaalin mug leh ay ka qaadatay shirkii taariikhiga ahaa ee Carta lagu qabtay dalka Jabuuti, halkaasoo Soomaaliya ay dib ula soo noqotay dowladnimadeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka dhawaajiyay, isagoo carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Khadiijo ay ku leedahay dib u dhiska Jamhuriyadda 3-aad ee Soomaaliya. Waxa ay noqotay Xildhibaanadii ugu horeeyay ee burburka kadib ka mid ah Golaha Shacabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed