Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo si lama filaan ah u geeriyootay

Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta oo Arbaca ah ku geeriyootay dalka Jabuuti, kadib markii ay xanuun ku soo booday.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaalah, ayaa sheegay in Wasiir Khadiija la dhigay isbitaal ku yaala Magaalada Jabuuti, ka dib xaalad caafimaad oo deg deg ah, halkaasi oo qaliin loogu sameeyay. Nasiib darro, xanuunkii ayey u geeriyootay, saacado ay taallay isbitaalka, waxana la sheegay in lagu fakarayay in loo qaado dalka Turkiga balse ugu dambeyn waa ay geeriyootay.

Wasiir Khadiija ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii dowladda ee ka qeybgashay shirka sanadlaha ah ee Heritage oo ka dhacay dalka Jabuuti. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xamza Barre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay war rasmi ah ka soo saari doonto geerideeda.

Allaha u naxariistee Marwo Khadiijo ayaa muddo dhan 20 sanno waxay ka mid aheyd dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, isla markaana ahed xildhibaan muddo ku jirtay dolwadda, iyada oo xilal kala duwan ka soo qabatay xukuumadda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed