Wasiirkii arrimaha debadda Soomaaliya oo is casilay isla markaana shaaciyay sababta uu xilka uga tagay

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta oo Isniin ah iska casilay xilkii uu hayay, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland. Doorashada ayaa loo mudeeyay 8da Janaayo 2024.

Huruuse oo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn uga dhex muuqda golaha Wasiirada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo ku muujiyay go’aanka uu si iskiis ah xilka uga qaaday. Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in si buuxda uu waqtigiisa iyo dadaalkiisa ugu huro ololaha doorashada madaxtinimada Puntland ee soo socota.

Huruuse oo ka mid ahaa xubnihii golaha wasiirada ee ugu dhowaa Madaxweyne Maxamuud, waxa uu keenay muuqaal siyaasadeed oo cusub oo firfircoon. Go’aanka uu ku galay tartanka ayaa doorashada soo socda kusoo kordhinaya dardar xiiso leh, taasoo sare u qaadeysa tartanka loogu jiro xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed