Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo daaf furay barnaamij muhiim ah oo uu maaligalinayo Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya,  Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taageero farsamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey’adda kale ee Dowladda Federaalka.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kala duwan oo maanta ugu dambeyn dhaqangalay.

Waxaa kale oo wasiirka uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda.

Shirkaan ayaa waxa sido kale ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday Hey’addaha Dowladda Federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maalgalinaya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed