Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Muqdisho ka furay shir hordhac ah

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho uga furay shir horudhac u ah Wasiirada Warfaafinta iyo Maamulka G/Banaadir, kaasi oo looga hadlayo ansixinta Istiraatiijiyadda Qaranka oo dhawaan lagu in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa lagu lafa gurayaa isku xirka warbaahinta dowladda, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo maamulka G/Banaadir. Shirkaan ayaa socon doono muddo labo maalin ah.

Kulankan ayaa yimid kadib markii Istiraatiijiyadda Qaranku ay soo martay marxalado kala duwan bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu wadaa in ay meelmariyaan dhammaan xubnaha ay khuseyso si dowladdu  u yeelato aragti iyo cod midaysan oo gaarsiinaya dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

 

HBN NEWS DESK 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed