Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya   Biixi Iimaan Cige ayaa kulan qaatay Safiirka Dowladda Uk u jooga Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka barnaamijka deyn cafinta iyo arrimo kale.

Wasiirka Maaliyadda  Biixi Imaan Cige ayaa Dowladda UK uga mahadceliyay wada shaqeynta dheer oo  ay kaga qeyb qaataan taageerada hagaajinta hannaanka Maaliyadda iyo fulinta Mashaariicda horumarineed ee ay ku caawiyaan Dowladda Federaaka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo jeediyay in ay dalbanayaam dhameystirka Hannaanka Deyn Cafinta, dib-u-habeynta Maaliyadda, hufnaanta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Dhanka kale Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay marwalbe diyaar u yihiin taageerida hannaanka hormarinta Soomaaliya, asiga oo intaas ku daray in UK ay laba jibaari doonto taageerida ay siiso Soomaaliya.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed