Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shir muhiim ah oo looga hadlau dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta oo Khamiis ah ka qayb galay shirka sannadlaha ah ee Baanka Adduunka oo maanta qabsoomay, kaas oo lagu falanqeeyey xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya. Shirka oo ah madal la isku dhaafsado; Warbixin ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, ayaa lagu soo bandhigay doodo ku saabsan horumarka Soomaaliya ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday sida uu ugu faraxsan yahay warbixinta Bankiga Adduunka ee dhaqaalaha Soomaaliya. Warbixintu waxay iftiimisay horumarro wanaagsan, iyadoo xustay in dhaqaalaha Soomaaliya uu soo hagaagay sanadka oo dhan. Wasiir Cige ayaa ku nuux nuuxsaday horumarka baaxadda leh ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeynta maaliyadda iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta.

Warbixinta sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu qiray horumarka dhaqaale ee dalka, isagoo tusaale u soo qaatay kororka dakhliga gudaha inkastoo ay jiraan caqabado ay sababeen isbedelka cimilada, fatahaadaha iyo Ayaxa oo saameeyay deegaanka. Warbixinta oo dhan waxaa la qorsheeyay in la sii daayo December 2023.

Wakiilo ka socday Bangiga Adduunka oo ay ka mid tahay Kristina Svensson ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay horumarinta dakhliga gudaha iyo hirgelinta dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maaliyadda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed