Wasiirka Maaliyadda oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilo ka socday Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wakiilo ka socday Bangiga Adduunka, isla markaana kala hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan dhaqaalaha iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxay ahayd farxad inaan maanta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyo saaxiibada Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. Waxaan ka yeelanay dood midho dhal ah oo ku saabsan faylalka soo koraya ee Bankiga ee qaybaha kala duwan ee muhiimka ah iyo siyaabaha loo sii wanaajin karo waxtarka fulinta mashruuca si loo gaaro natiijooyinka horumarineed,” ayuu wasiirku ku yiri qoraal uu ka jeediyay madalkiisa X.

Muddooyinkii la soo dhafay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo uhiim ah la yeelanayay hey’adaha lacagta adduunka, sidoo kale kulamadaas ayaa daba socday deyntii badneed ee laga caafiyay soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed