Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Bangiga Adduunka ee Afrika iyo waxyaabaha laga wada-hadlay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo safar shaqo ku jooga dalka Marooko ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Dr. Floriert Ngaruko, iyo madax kala oo caalami ah kuwaas oo matalayay hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxqabadka wanaagsan ee HIPC ee Soomaaliya, qorshayaasha ka dambeeya HIPC, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta Bangiga Adduunka ee horay u socday.

IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa bilaabay Hindisaha Waddamada Faqriga ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC) 1996 si loo hubiyo in waddan sabool ah uusan la kulmin culeys deyn ah oo aan la maarayn karin.

Soomaaliya ayaa diiradda saareysa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay dalka, oo ka shaqeeyneysay muddooyinkii dambe, iyada oo kulamo xasaasi ah oo kala duwan oo lagu lafagurayay hannaanka deyn cafinta ay ka qeybgashay wasaaradda maaliyaadda.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed