Wasiirka ganacsiga oo digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa digniin culus u diray ganacsatada Soomaaliyeed. Waxaa uu sheegay in ganacsatadu ay masuul ka yihiin badqabka shaacabka, isla markaana loo baahan yahay inay qaadaan tallaabooyin looga hor tagayo daawooyinka dhacay oo ay dalka keenaan, waxaa uu ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin kororka cudurada ka dhaca dalka.

Sidoo kale wuxuu fariin adag u diray gaanacsatada dallka keenta waxyaabaha dhacay gaar ahaan daawooyinka  dhacay oo  ay dadku kala kulmaaan dhibaatooyin waxyeelo u keenaya caafimaadkooda.

Jibriil Cabdirashiid ayaa ka dhawaajiyay in ay tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cidii ka hor timaado fulinta arrintaan, laguna arko iyaga oo iibinaya daawooyin dhacay in sharciga la hor geyn doono.

Taniyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya majirin koontarool ku aaddan daawooyinka iyo cuunnooyinka laga keeno dalka dibadiisa baaritaanno ku aaddan oo dhanka dowladda ah, taasoo keenta in daawooyin dhacay iyo raashin la keeno dalka, waxana dhibnaato caafimaad darro ay ka soo gaartaa guud ahaan shacabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed