Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay meelaha ugu dambeeya ay ka bixi doonaan ciidamada ATMIS

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu u socdo sidii loogu talagalay.

Waxa uu tilmaamay in meelaha ugu dambeeya ee la filayo in ciidamada Afrikaanta ay ka baxaan ay tahay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho oo ay mas’uuliyadeeda la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya.

Dhamaadka sanadka 2024-ka oo ah markii ugu dambeysay ee ciidamada Midowga Afrika ay ku sugnaan doonaan Soomaaliya  ayuu sheegay in laga yaabo inay jirto baahi kale oo si kumeel gaar ah loo keeno ciidamadan, inkastoo uu ku adkeystay in qorshaha dowladda uu yahay in ciidamadan ay dalka ka baxaan. dhamaadka 2024 sida qorshuhu yahay.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa intaa ku daray in sanad kadib la filayo in ATMIS la sameeyo.

Ka bixitaanka wajiga koowaad ciidamada ATMIS ayaa bilowday horraantii sanadkan, waxaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo bisha December 2024. Hindisaha ATMIS Drawdown ayaa ujeedkiisu yahay in masuuliyada amniga lagu wareejiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya, iyadoo xooga la saarayo lahaanshaha deegaanka iyo sii jiritaankeeda.

Talaabadan istiraatijiyadeed ayaa u sahlaysa milatariga Soomaaliya in ay si madax banaan u ilaashadaan nabada iyo amaanka dalka, taas oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida mustaqbalka fog.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed