Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo dhiggiisa Itoobiya oo kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kala duwan, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya ay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda dalkaas, isagoo casuumad rasmi ah ka helay Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda Dowladda Itoobiya iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Itoobiya oo xuduud la leh Soomaaliya ayaa waxaa ka jooga ciidan qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta ee loo yaqaano ATMIS, kuwaasoo la filayo in gabi ahaanba laga saaro dalka dhamaadka sanadka soo socda sida qorshuhu yahay.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed