Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay furimaha dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee joogo aagga dagaalka ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa la hadlay kumanaan ciidan oo ku sugan furinta bariga gobolka Galgaduud, isla markaana u sheegay in loo diyaar garoobo dagaal culus oo Al shabaab looga saarayo deegaannada ay ka heystaan Galmudug, isagoo u tilmaamay muhiimadda uu leeyahay dagaalka ay ciidanka kula jiraan ururka Al shabaab iyo in la sii laba jibaaro.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyay guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah iyo guud ahaan ciidanka in ay sii wadaan howlgallada,  wuxuu intaas raaciyay in dhawaan la soo afjari doono qorshaha ku wajahan Al shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo howlgallo xooggan ee ka dhan ah Al shabaab kuwaas oo diirada lagu saarayo in maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle laga xorreeyo dagaalyahannada Al shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed