Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya iyo Ciraaq oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Macallin Maxamuud ayaa magaalada Baqdaad kula kulmay dhiggiisa dalka Ciraaq, Khaalid Shuwaani.

Wasiirka Cadaaladda ayaa dhiggiisa uga warbixiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka Al shabaab, iyo guulihii la gaaray, iyo sidoo kale go’aanka ah in xoogga la saaro hufnaanta adeegga garsoorka iyo kala sareynta sharciga.

Wasiirka Cadaaladda Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, lagana shaqeeyo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Gaba gabadii labada wasiir ayaa isku afgartay in ay iska kaashadaan horumarinta hay’adaha cadaaladda ee labadooda dowladood.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed