Wasiirka Caddaaladda oo maanta hor tagay Golaha Shacabka kadib markii hoolka laga saaray Sabtigii

Xillibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ku leh xaruntooda Villa Hargeysa, waxana hor tagay maanta  Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha  Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Macalin.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa la weydiinaya suaalo ku saabsan Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka oo akhrinta 1-aad ay Golaha marsiinayaan, Xasan Macalin ayaa Golaha Shacabka ka raali geliyey dib u dhaca kulankii Golaha ee maalintii Sabtiga.isagoona sheegay in uu ku mashquulay shirkii Amniga Qaranka, kadib markii hoolka laga saaray maalintii uu soo dib dhacay.

Kulanka Golaha Shacabka oo hadda socda waxaa shir guddoominyao Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadn (Madoobe) iyo labadiisa ku xigeen,wasiirka Cadàaladda ayana golaha ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka,isagoona ka jawaabay weydiimaha xildhibaanada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed