Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda UK oo yeeshay kulan muhiim ah iyo ujeedka kulankaas

Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

“Waxaan ka wada hadalnay taageerada UK ee Soomaaliya iyo doorka caddaaladda iyo garsoorka ee ilaalinta xasilloonida, gaar ahaan meelaha colaadaha ka soo kabanaya. Waxaan aad ugu mahadcelineynaa dowladda UK oo gacan weyn ka geysatay dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Dhankiisa, diblumaasiga UK ayaa yiri: Waxaan si wada jir ah uga wada hadalnay doorka ay garsoorku ka qaadan karaan xasilinta amniga iyo ku dhaqanka sharciga goobaha la xoreeyay. UK iyo deeq-bixiyeyaasha kale ayaa caawinaya.

Boqortooyada (UK) ayaa door hoggaamineed ka qaadaneysa taageerada caalamiga ah ee lagu hagaajinayo ammaanka Soomaaliya, waxaana ay Soomaaliya ku taageertay malaayiin USD oo gargaar ah oo lagu dhisayo dowladnimada iyo bini’aadantinimada.

UK waxay sheegtay in gargaarkeeda ay uga golleedahay in lagu dhiso heshiis siyaasadeed oo hirgala iyo Soomaaliya xasilloon, nabad iyo barwaaqo ah ka dib in ka badan soddon sano oo colaado ah oo xididdada u siibay malaayiin qof.

Sidoo kale, UK ayaa ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ku tababarta saldhig ku yaalla magaalada Baydhabo ee hoos taga maamulka Koonfur-galbeed, waxayna siisaa deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah oo ay ardayda wax ku barato Britain.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed