Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Puntland aysan qeyb ka aheyn hannaankii doorashada ee Golaha Watashiga Qaran ay gaareen

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Puntland aysan qeyb ka noqon doonin hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan ku soo rogin Puntland qaabkii doorashada, isagoo carabka ku dhuftay in nidaamkaasi laga hirgelin doono afarta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir. Waxa uu rajo ka muujiyay in mustaqbalka dhow Puntland ay qeyb ka noqon doonto nidaamkan doorasho, waa haddii uu yahay mid danahooda ku jira.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Puntland ayaa si weyn uga biyo diiday nidaamka la soo jeediyay, iyagoo u arkay inuu yahay mid aan la jaan qaadi karin hanaanka siyaasadeed ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ololeynaya in la helo nidaam laba xisbi ah, waxaana uu damacsan yahay in ra’iisul wasaaraha uu ku bedelo madaxweyne ku xigeen, iyadoo mucaaradad kala duwan ay uga imaanayaan siyaasiyiin iyo madax hore.

Inkastoo Puntland ay diiday ka qeyb galka, hadana Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyay in doorashada lagu heshiiyey ay u dhici doonto sidii loogu talagalay. Waxa uu sheegay in Puntland ay fursad u heysato in shan sano kadib ay kusoo biirto hanaanka doorashada, taasina ay muujineyso inay diyaar u tahay wadatashi mustaqbalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed