Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo afjarto Riwaayadii 30-kii sano ee la soo dhaafay ka socday Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay ka go’an tahay in ay dib u soo celiso midnimada Soomaaliya, islamarkaana Somaliland ay ka mid noqoto dowladda Soomaaliya.
Fiqi oo ka hadlayay madal lagu taageerayay qoraaga da’da yar ee reer Hargeysa, laguna magacaabo Maxamed Haldoor, ayaa sheegay in calanka Soomaaliya la geyn doono magaalada Hargeysa, waxaana ku rajo weynahay in Soomaaliya ay midowdo.
“Waxa aan arkay Maxamed oo calankii Soomaaliya dhabarka ku sitay oo xoogaa baqaya, ha ka baqin calankii Hargeysa ayaa la geynayaa oo waa laga taagayaa, cidna ku taaban mayso” ayuu yiri.
Wasiir Fiqi ayaa ka mid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay wada hadalladii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Jabuuti. Waxa kale oo uu ka mid yahay dadka sida aadka ah uga soo horjeeda gooni isu taagga Somaliland.
Somaliland ayaa ku dhawaaqay gooni-isu-taaggeeda 1991-kii balse aan aqoonsi ka helin beesha caalamka.
HBN NEWS DESK