Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Galmudug ka wado dardar gelinta dagaalka Al shabaab kaas oo garaay deegaanno ku yaal gobolkaas

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda  Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa Galmudug ayaa gaaray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, safarkiisa waxaa ku wehliyay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka, Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Axmed Macallin Fiqi oo maalmahan howlo shaqo u joogay Galmudug ayaa la sheegay in halkaas uu kawado abaabul ku saabsan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab, socdaalkiisa ayaa la xariiro dardar gelinta dagaalka kooxda Al shabaab looga xorreynayo guud ahaan deegaannada ay ka heystaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Si kastaba, Galmudug waxaa ku sugan qaar kamid ah madaxda dalka ugu sarreyso oo uu  hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan shekh Maxamuud, Wasiiro, Xillibaanno iyo saraakiil ciidan kuwaas oo ku howlan qorshaha xakuumadda ee ciribtirka Al shabaab.

HBN NEWSDESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed