Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo sheegay in qorshe qorshe Al shabaab looga saarayo dalkaas

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay inay wax ka qabato rabshadaha ka socda dalka kadib weeraro gaadmo ah oo lala beegsaday ciidamada ammaanka, kuwaas oo geystaan dagaalyahannada Al shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay, markii uu guddoominayay hawlgalka uu ku tagay magaalada Kotulo Sub-County, ee degmada Wajeer, waxaa uu hoosta ka xariiqay in argagixisadu ay weli tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee amniga qaranka.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii ay sii kordheen weerarada ay Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ay ku beegsanayaan Gobollada Waqooyi iyo Xeebta dalka, iyadoo weerarada ugu badan ay ka dhaceen magaalooyinka Gaarisa, Mandheera. Wajeer iyo Lamu.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii saraakiisha amniga ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo hantidooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku adkeystay in maamulka Ruto uusan ogolaan doonin in si sharci darro ah lagu dilo dadka reer Kenya, isla markaana lagu qasbi doono in dalka laga waayo ururka Al shabaab, sida uu sheegay.

Wuxuu ammaan u jeediyay saraakiisha amniga ee ka qeybqaadaneysa la dagaallanka amni darrada gobolka Waqooyi Bari iyo gobollada kale ee dalkaas oo uu sheegay inay yihiin geesiyaal dhab ah oo mudan ammaan.

Kindiki oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay wada shaqeyn dhexmarta laamaha amniga iyo shacabka si looga guuleysto dagaalka lagula jiro argagixisada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed