Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo sababta oo la shaciyay

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shaqadii ka jooojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulkaas, kadib markii lagu eedeeyay in uu xagal daacinaayo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu gudan waayay dib-u-hishiisiinta beelaha daga Galmudug, oo muddooyinkii dambe dagaallo ku dhexmarayeen deegaannada maamulkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi Waayeel, ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo dhankiisa soo baxay oo ku aaddan shaqa joojinta lagu sameeyay, iyo eedaha loo jeediyay.

Wareegtadaan xilka looga qaaday  Cabdi Waayeel ayaa ku soo beegmeeyso, iyada oo maamulka Galmudug ay ka socdaan dagaallo culus oo ka dhan ah dagaalka Al shabaaab.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed