Wasiirka amniga Soomaaliya oo sheegay xilliga Al shabaab laga ciribtiri doono maamul goboleedyada dalka

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay Al-Shabaab ka ciribtiri doonto Dowlad Goboleedyada marka la gaaro bisha April ee sanadka soo socda ee 2025-ka.

Wasiir Fartaag, oo  ka hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ku nuux-nuux saday in bilaha soo socda la soo gaba gabeyn doono hawlgalada Ciidamada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug.

“Waxaa la xaqiijiyay in kooxdaan aysan lahayn  awood, falkoodana uu yahay Argagixiso oo ay ku lug leeyihiin dhex galka iyo cabsi gelinta shacabka, waxaan filayaa in sanadka soo socda Soomaaliya laga sifeyn doono Khawaarijta, sababtoo ah maamulka Galmudug waa ayaa gabagabo ku dhow, Hirshabeelle ayaana ku xigi doonta,” ayuu raaciyay.

Maalin ka hor Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay Ciidamada Dowladda dib u billaabayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Howlahan ayaa hakad ku jira inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed